Deg Deg:Dagaal Dhexmaray Sarakiisha Alshabab iyo Sababta Ka Danbeysa,
Deegmada Jilib ee gobolka jubadda dhexe ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya xubno ka wada tirsan ururka Alshabaab, koox ka tirsan Alshabaab oo hubaysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaaday mid ka mida masaajida ku yaala degmada Jilib oo ay ku sugnaayeen xubno kale oo ka tirsan Alshabaab balse looga shakiyay in ay xiriir hoose la leeyihiin ururka Daacisha sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Xubnaha ku sugnaa masjidka la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa Abu Anas Al-Misri oo ah xubin ajnabi ah oo ka tirsanaa ururka Alshabaab balse looga shakisanaa in uu xiriir la leeyahay Daacish, Abuu Maansoor oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa markii damay ku geeriyooday gudaha masjidka ka dib markii dagaal dhex maray kooxdii weerarka kusoo qaaday sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in la qabtay xubno kale oo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo la xiray iyada oo looga shakisan yahay ururka Alshabaab, Horay ayay u dhacday in dagaal dhexe maro xubno ka wada tirsan Alshabaab sidoo kalena usoo kala dhex gasho aragti kala duwanaansho.