Muqdisho{Khaatumonews}Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka Soomaaliya ah kadib markii dalalkii bixin jiray ay jareen.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Cabdiraxmaan Beyle oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale, dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna noqotay annaga inay nagu soo wareegto, waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino:.
Waxa uu intaas ku daray “Sidaas darteed lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019-ka, cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17 milyan, cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17 milyan ayuu nuxuxkeedu yahay”
Wasiirka maaliyadda ma sheegin dalalka ciidamada mushaharka siin jiray ee iminka joojiyey, balse waxa ahorey loo ogaa in dowladda Mareykanka ay ka joojisay ciidamada xoogga dalka lacag ay ku caawin jirtay, Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo.