Deg Deg Daawo Video:-Ururka Xamaas Oo 200 Gantaal Ku Garaacay Maamulka Yuhuuda,

Ururka Xamaas ee u dagaalama xureynta dhulka Falastiin ayaa xalay madaafiic culus waxa ay ku garaaceen deegaano ay xoog ku heesato Israa’il, waxaana Madaafiicda qaar ku dhaceen gudaha dhulka ay Isra’il maamusho.

Halkan Ka Daawo Video

Xamaas ayaa la sheegay in 200 Madfac ay ku rideen dhulka ay Isra’il maamusho, waxaana mid kamid ah Madaafiicdaasi uu ku dhacay gaari bas ah oo xiligaasi la sheegay in aysan cidna saarneyn balse waxaa ku dhaawacmay askari ka agdhawaa baskaasi.

 

Ciidamada Isra’il ayaa dhankooda hub culus iyo madaafiic ku garaacay marinka Gaza gaar ahaan goobo ay ku xoogan yihiin kooxda Xamaas, waxaana goobaha Isra’il duqeysay kamid ah xarunta TV-ga Al Aqsa ee taageera kooxda Xamaas.

 

Madaafiicda iyo Rasaasta ay Ciidamada Yahuuda ku rideen marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen sadex qof oo labo kamid ah katirsan yihiin Ururka Xamaas halka qof kalana uu ahaa shacab.