Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Isku Shaandheeyay Wasiirada JUBALAND,

Kismaayo{khaatumonews}Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada.

Halkan Ka Daawo Video

Wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiskiisa ayaa lagu magacaabay Wasiir, wasiir-ku-xigeenno iyo Wasiiru-dowlayaal, iyadoo qaarkood xilalka loo kala bedelay.

 

Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Juballand ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cali Axmed, halka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada laga dhigay Xirsi Jaamac Gani.

 

Wasiiru-dowlayaasha Wasaaradaha Maaliyadda, Dastuurka iyo amniga ayaa sidoo kale loo kala magacaabay Maxamed Ibraahim Amiin, Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan, iyadoo la magacabay dhowr wasiir ku-xigeen oo kale.