War Deg Deg Ah:Taliyaha Ciidanka Puntland iyo Odayaasha Sool iyo Nugaal Oo Kulan Dagdag ah Yeeshay.

Garoowe{haatumonews}Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Khaatumo News ayaa sheegaya in taliyaha cusub ee ciidanka difaaca Puntland Sarreeye guuto Cabdishukri Cabdullaahi uu kulan la qaatay isimo ka socda deegaamada Puntland.

 

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Garoowe ayaa u xaqiijiyey Khaatumo News in taliyaha cusub ee ciidanka difaaca Puntland Sarreeye guuto Cabdishukri Cabdullaahi uu la kulmay isimada iyo waxgaradka gobolada Nugaal iyo Sool ee Puntland.

 

Kulamadaani ayaa diiradda lagu saarayey intooda badan xaaladda gobolka Sool gaar ahaan dagaalka ay Puntland horay ugu dhawaaqday inay ku xorayn doonto guud ahaan gobolka Sool oo deegaamo katirsan Oo SNM gacanta ku hayso.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ilaalinta midnimada iyo difaaca Puntland isla markaana ay ciidanka garab taagan yihiin maadaama gobolada Sool iyo Nugaal ay xuduud dheer leeyihiin isla markaana reer Nugaaleed aysan fiirsan karin colaadda Sool.

Khaatumonews.com