600 War Deg Deg Ah:Kornayl Caare Oo Taageero Culus Ka Helay Xukumada Soomaaliya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Kornayl Caare Oo Taageero Culus Ka Helay Xukumada Soomaaliya.

Muqdisho{Khaatumonews}Shabakada Khaatumonews.com ayaa heshay xog ku saabsan xidhiidh toos ah oo khadka Telefanka ah oo dhex maray Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Hogaamiyaha Jabhadda Somaliland ka goosatay ee Puntland Saldhiga ka samaysatay Korneyl Siciid Cabdi Jaamac Caarre iyo arimaha ay ka wada hadleen.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo KHAATUMONEWS.COM uu soo gaadhsiiyay Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay inay la balansanaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka.

 

Ilo wareedkan ayaa waxa uu webseti-ka  u sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Raysal Wasaare ku xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay islamarkaana uu Raysal Wasaaruhu kaga mashquulay arin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland ee Somaliland Ka goostay ee Caare kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen arimo gaar ah.

 

Anagoo Kujirna Xafiiska Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa u soo dhacay Telefan, Marqudha ayuu nagala kacay telefankii, Dabadeed Xoghayntiisii ayaa nagu wargaliyay Inuu Ku Mashquulsan yahay arin ku saabsan Kornaylka Jabhadda Samaystay ee Somaliland ka goostay ee Saldhigga ka samaystay Puntland Kornayl Caare, waxaanu ka maqlaynay inay islahaayeen wixii aad noo balan qaadeen deg deg noo soo gaadhsiiya, iyo waxaanu hadda ku talo jirnaa inaanu Gudaha Somaliland u galno oo aanu hawlgalo ka fulino Goobo cayiman, intaasi ayaa nagaga soo duul duushay intaan xafiiska nalaga soo saarin ee aanaan dibada uga soo bixin, Kornayl Caare ayaa khadka telefanka kala hadlayay” ayay hadalkooda ku soo gaabiyeen”.

 

Masuulkan Khaatumonews.com uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiiradda Xukuumaddda soomaaliya ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la xidhiidhista iyo ka warhaynta Jabhadda Somaliland diidka ah ee Somaliland ka goosatay ee Puntland u gashay,waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Somaliland  islamarkaana ay hawlgalo uga fulin lahayd.

 

Waxa uu sidoo kale noo sheegay inuu hadda ku hawlan yahay soo gaadhsiinta Jahadda Caare agab iyo lacag ay Dawladda Soomaaliya ugu talo gashay taasi oo ay ujeedadeedu tahay sidii ay u xoojin lahayd jabhaddaasi

Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...