Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa codsi iyo digniin u diray dowladda federaalka Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Dhagayso

Guddoomiye Gu’jir ayaa ka codsay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu fuliyo balan-qaad uu horey u sameeyay oo ahaa in Xukuumadiisu ay ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee caasimada Puntland oo isku tashi lagu dhisayo.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre markii uu yimi Garowe 1-da Agoosto 2018 wuxuu balan-qaad u sameeyay bahda isboortiga gaar ahaan garoonka Mirre Awaare, oo uu yiri waxaan idin dhigayaa Roog, ilaa hadda balan-qaadkaas wax ka fulay ma jiraan, Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsanaynaa balan-qaadkii uu shacabka reer Nugaaleed gaar ahaan bahda isboortiga u balan-qaaday in uu ka dhabeeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir)

 

Dhanka kale Guddoomiye Gu’jir ayaa dowladda Federaalka u jeediyay in ay ka waan-towdo dad uu sheegay in siyaasad khaldan loogu soo diro gobolka Nugaal, kuwaas oo uu sheegay in ay iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka.

 

Waxaa dowladda Federaalka, khaasatan Ra’iisul wasaare Kheyre u soo jeedinayaa, dadka ay arrimaha siyaasada u soo dirsanayaan oo gobolka Nugaal ka socda in ay ka waan-toobaan in dadkaas in khaldan iyo siyaasad khaldan loo soo dirsado, ayna iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka, wax walba nidaam iyo waddo loo soo maro ayay leeyihiin, waa in loo soo maraa, Wasiirada iyo Xildhibaanada la soo dirayo iyo dadkan isku xirnaasho shaqo maleh” sidaas waxaa yiri Guddoomiye Gu’jir.