600 Deg Deg Daawo:Ciidamada Isra’il oo dilay Sargaal katirsan Ururka Xamaas. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Ciidamada Isra’il oo dilay Sargaal katirsan Ururka Xamaas.

Ciidamada Isra’il ayaa xalay dilay Sargaal sare iyo dagaal yahano katirsan Ururka Xamaas, kadib isku dhac xoogan oo ka dhacay bariga Deegaanka Khan Younis oo katirsan Marinka Gaza.

Iska hor imaad xoogan ayaa dhax maray xoogag katirsan Ururka Xamaas iyo Ciidamada Israa’il, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay Sargaal katirsanaa Ururka Xamaas iyo lix dagaalyahan oo iyana ururkaasi kamid ahaa .

Dowlada Isra’il ayaa dhankeeda qiratay in dagaalka ka dhacay Marinka Gaza looga dilay hal askari oo ciidankooda katirsanaa mid kalana looga dhaawacay, waxa ayna Israa’il dhankeeda sheegtay in Xamaas Khasaaro xoogan gaarsiisay.

Sargaalka laga dilay Ururka Xamaas oo ahaa Taliye guuto ayaa magaciisa lagu sheegay Nourreddin Mohamed Salama Barake, waxa uuna sargaalkan ahaa nin aad looga jeclaa gudaha Ururka Xamaas.

Afhayeen u hadlay Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Ciidamada Isra’il in ay qaadeen weerar naxariis daro ah , waxa uuna Afhayeenka xusay in ay iska difaaceen weerarka khasaarana ku gaarsiiyeen Ciidamada Yahuuda.

Isra’il ayaa si joogta ah u wada dhibaateynta shacabka gumeesi diidka ee Reer Falastiin, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Isra’il Marinka Gaza ku dileen dad badan oo shacab ah oo diidan in Isra’il xoog ku heesato dhulka Falastiin

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...