Buuhoodlel{Khaatumonews}waxaa magaalada Buuhoodle maanta Shir Saxafadeed Ku qabtay Ehelada labadiii Sarkaal ee sadex Bilood ka hor lagu qarxiyay Buuhoodle kuwaaso ka jawaabay Shir Shalay beesha Khaalid qabatay Shirkaaso Beeesha khaalid Ku cadeesay In wax lagu waayay Laba Xubnood oo beesha Ka soo jeeda Oo Ku eedesna qaraxa Buuhoodle.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Daawo Video

Shirka Beesha khaalid qabatay waxaa ay Sheegtay in Xubnihii Danbi Baadhayaasha ahaa ay jawaabta Baadhitaanka u Soo Dhiben Boqor cabdilaahi dabagooye oo kamid ah isimada ssc.

 

Hadaba Xubnahan ay ka soo jeedan Saraakiishi la qarxiyay waxa ay sheegen in Uu been yahay Warka Boqora Laga sheegaayo iyo Wararka ah In uu soo afjarmay baadhitaankii lagu hayay qaraxii Buuhoodle,

 

Si Kastaba ha ahaate Xiisadan ka soo korodhay Qaraxii Buuhoodle ayaa ah Mid Halis Ku ah amniga Nabada iyo Wada Jirka  Shacabka Gobolka Cayn.