600 War Deg Deg Daawo:Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya Oo Kulan Dagdag Ah Isugu yeedhay Saraakiisha Ciidanka Qaranka. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Daawo:Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya Oo Kulan Dagdag Ah Isugu yeedhay Saraakiisha Ciidanka Qaranka.

Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray taliyaasha kala duwan ee ciidanka dowlada Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Taliyaasha Milatariga, Booliiska, iyo Asluuba ayaa looga hadlay qaraxyadii xooganaa ee dadka badan ku dhinteen ee jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray taliyaasha ciidanka uu la kulmay in ay si deg deg ah u keenaan warbixin dhameestiran oo ku aadan qaraxyadii iyo weerarkii dadka badan ku dhinteen ee lagu weeraray Hotelka Saxafi.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Farmaajo kala hadlay taliyaasha ciidanka dowlada in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab sidoo kale la xoojiyo amaanka caasimada Muqdisho.

Kulankan deg dega ah uu Madaxweyne Farmaajo maanta la qaatay Taliyaasha ciidanka ayaa kusoo aadaya xili Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo ay ku dhinteen dad ku dhaw 50-qof oo shacab u badnaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...