War Deg Deg Daawo Video:Badhasaabkii SNM Ee Laascaanood Oo Ka Baxsaday Sool iyo Halku ku Sugan yahay.
Burco{Khaatumonews}Waxaa Magaalada laascaanood iyo Guud ahaan Gobolka sool Isaga Baxay Badhasaabka SNM ugu Magacaaban Gobolka Sool kaaso lagu magacaabo Cabdirashiid Xuseen gargaar.
Halkan Ka Daawo Video
Mr gargaar ayaa Xaalad Amni Aawadeed uga Baxsaday Gobolka sool Xili Maamulka SNM Laga fara Maroo jiyay Amniga Laascaanood Gudihiisa oo ay Soo Buux Dhaafiyen maleeshiyaad Hubaysan oo kamid ah beelaha Ku dagaalamay Koonfurta Sool.
Amniga laascaanood ayaan Muda hada 20 cisho ah ku jirin gacanta SNM waxaana laascaanood ay noqotay Meel Ay Buux Dhaafiyen Maleeshiyaad beeleed Hubaysan.
Cabdirashiid Xusen Gargaar sida aanu ku helnay Xogta Baqdin uu ka qabo Maleeshiyaadkan ayuu ugu dhuumasho tegay Burco xili Maanta Rasaas lagala daalay xubno wasiiro iyo xildhibaano ah oo Maxamed Kaahin Hogaaminayay Kuna sii jeeday Koonfurta sool.
Isku soowada duubo gargaar oo warbaahintu burco Kaga qaaday Muqaal Laba daqiiqo ka yar ayaa isku difaacay in maamulka uu ka tirsan yahay awood ku hayo xaalada Deegaanka islamarkaana aysan cidna uga baqayn.
Khaatumonews.com