Garoowe{Khaatumonews}Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 11 November 2018 magcaabay taliaya ciidanka xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliaya Ciidanka Xasilinta caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.
2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND