600 Fagadhe ilaa Faratoon iyo Faro-madhnaanta “Somaliland” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Fagadhe ilaa Faratoon iyo Faro-madhnaanta “Somaliland”

Axmed Aadan Qaybe(IHN) wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumaddii ugu danbaysay ee Soomaaliya 1991, markii Maxamed Siyaad Barre(IHN) ka maxay Muqdisho wuxuu safar shaqo ku joogay magaalada Qaahira wuxuuna dhanbaaladdii ugu danbeeyey ka siday Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna sharaxaad ka bixinayey xaaladda dalku ku jiro, oo markaas dalal badan wacaal ka mujiyeen xaaladda dagaalada, wuxuuna safarkiisu ku wajahnaa Qaybe dalalka Khaliijka iyo Masar.

Xilligaas Soomaaliya waxaa ka muhiim sanaa oo Carabtu ku fooganayd xorayntii Kuweyt, kulankiisii ugu danbeeyey Qaybe wuxuu la qaatay wasiiru-dawlihii arrimaha dibada ee dalka Masar markii danbena noday Xoghayaha Qaramada midoobay Budrus Budrus Qaali oo ay Qaybe saaxiibo dhaw ahaayeen , Qaybe intaanu Wasiirka Arrimaha dibada noqon wuxuu muddo dheer ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibada Budrus Qaalina xilligaas ayey aad u saaxiibeen.

Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya kolkii ay burburtay nin waliba deegaankiisii ayuu ku noqday , bulshada deegaanka SSC waxay shir isugu yimaadeen deegaanka Boocame horaantii sagaashameeyaadka, shirkaas waxaa lagu sameeyey gole Khusuusiya oo ka koobnaa 33 xubnood waxaana qorshuhu ahaa in deegaankaas maamul hooseed loo sameeyo lagu sugo xukuumad Soomaaliyeed, waxaana laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya.

Qaybe wuxuu qodobaddii u qaaday magaalada Newyork oo uu xilligaas xoghaye guud ka yahay saaxiibkii Butrus Butrus Qaali, wuxuu saaxiibkii ka dhaadhiciyey in Soomaaliya qarka u saaran tahay in la kala gooyo sidaasi daraadeed golaha ammaanka oo ah goobta hawshaas loola soo irkan karo in ay go’aan cad ka soo saaran, lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya.

Butrus qaali wuxuu diyaariyey warbixin Soomaaliya ka hadlaysa kuna lifaaqan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya golaha ammaanka ayuu hordhigay , golaha ammaankuna wuxuu u codeeyey in midnimada Soomaaliya lama taabtaan tahay, dhibaatada Soomaaliyana wadahadal lagu dhameeyo, dhammaan ururada Soomaaliya xubinta ka tahayna waxay soo saareen qodob kaas la mid ah.

Muddo kadib wuxuu Maxamed Ibraahim Cigaal(IHN) wasiirka arrimaha dibada“Somaliland” ka dhigay Maxamed Nuur Fagadhe (IHN) wuxuuna safar ugu baxay magaalada Newyork si uu arrinta “Somaliland” ugu soo bandhigo, madaxdii qaramada midoobay waxay hordhigeen go’aankii golaha ammaanka ee 1993, safarkiisiina wuxuu noqday mid uu ku soo hungoobay , Fagadhe markuu ka soo noqday Newyork ayuu soo maray London, BBCda laanta Afsoomaaliga ayaa waraysi la yeelatay, waxaa lagu weydiiyey su’aal ahayd sidee u aragtaan go’aankii qaramada midoobay ee midnimada Soomaaliya, wuxuu Fagadhe ku jawaabay“ waligayo maanu arag go’aan ka istubidhsan”.

 

Axmed Aadan Qaybe(IHN) waxay dib isu fahmeen Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu isaguna ka mid noqday Maamulkii “Somaliland” qorshayaashii markaa Cigaal uu ka danaynayey Qaybe waxay ahayd bal goobihii la soo handaraabay ee qufulka reygalka ah lagu soo dhuftay raggii ku soo qafilay in ay wax ka soo furdaamiyaan.

 

Cigaal waa xijaabtay, Fagadhe waa xijaabtay, Qaybe waa xijaabtay, midnimadii Soomaaliyana waa la loodin kari la yahay, umalayn maayo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ay ka dubalaad dheeraayeen Qaybe oo dublumaasi ruug cadaaya ahaa oo boqorada Ingiriiska ee hadda nool laba jeer waraaqihiisa safiirnimo ay ka guddoontay Lixdameeyadii iyo Sideetameeyadii , Fagadhe oo Dunida meelo badan ka soo shaqeeyey, Qaahira-na u fadhiyey Soomaaliya oo labadooduba hawlahan ku hungoobay oo wax ka soo qaban waayeen in Yaasiin Faratoon wax ka qaban karo, haddii Muuse Biixi uu qorshiihu yahay qancin, oo wasiiradaha afarta ah ee dadku u hanqal taaga badan yihiin ayaan su’aalaha nagu badan jawaab uga dhigaynaa, oo qolada ku dooda saami qaybsiga wasiirada ayaanu ku qancinaynaa waa qorshe xubnaha ay isla aaminsan yihiin“ Somaliland” ay ku qancisanayaan,haddiise ay ka tahay ha lagu eego xubin deegaankaas ah in ay aqoonsi raadiso way adagtahay kuwii ka dublumaasisanaaba furihii qufulkaas waa soo waayeen , Handarabkuna waa u sii dheeryahay.

Talaan bixin lahaa arrintaasi ku saabsan waase haddii la weelaynayo.

By Asad Adaani Ibrahim

Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...