Gedo{Khaatumonews}Beesha Mareexanayaa ka soo horjeestay booqasho Madaxweynaha Jubbaland uu qorsheynayo inuu ku tago magaalada Garbahaaray.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo iyo xubno kale ayaa sheegay inay tallaabadaas ay ka soo horjeedaan.
Arintan ayaa timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu booqdo magaalada Garbahaarey iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo.
Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca hoggaanka Jubbaland oo muujinaya in Axmed Maxamed Madoobe uu ku wajahan yahay Gobolka Gedo.
dhinaca kale, Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxaweynaha Jubbaland Ayay Beesha Mareexan magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ka dhigen.
Xiisadan ayaa Ka dhalatay kadib markii Khilaaf culus Ka dhex Qarxay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe.