Hargeisa{Khaatumonews}Qaar Kamid ah Barlamaanka Maamulka SNM ayaa Sheegay in Gacanta SNm ay Ka Baxday Sool iyo Sanaag Isagoo Sababo uga dhigay Nabadeenta Koonfurta Sool iyo Socdaalkii c/wali gaas ee Badhan.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Xildhibaan Ka hadlaayay Kulan Maanta Barlamaanka SNM yeeshay ayaa Sheegay in Gobolka Sanaag gaar Ahaan degmada Badhan Puntland Ka dhisatay xarun barlamaan oo ay ku shiren Golaha wasiirada Safarna uu ku yimid Madaxweyne Gaas, taaso Wax talaabo ah Aysan SNM ka samay tusaalane ka ah in aysan gacanta ugu jirin sanaag Somaliland.
Dhanka Kale Nabadeenta Koonfurta sool ayuu sheegay xildhibaankan in loo diiday maamulka somaliland islamarkaana ay gudaha u soo galen Ciidamo itoobiyan ah wax ka hadlay ama awood waxkaga qabtay oo somaliland ahna aysan jirin.
Doorashada Barlamaanka Puntland ee ka dhacday Laascaanood ayuu iyana ku tilmaamay calaamado muujinaya in aysa Sool gacanta ugu jirin jSNM,
Isku soowada duubo hadalkan ka soo yeedhay xubnaha barlamanaka Hargaysa ayaa muujinaya fashilka siyasadeed iyo midka awoodeed ee deegaanka khaatumo ay ka joogan.
Khaatumonews.com