XOG:Sababta Muuse Biixi Faratoon Ugu Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada SNM,

Laascaanood{Khaatumonews}Maanta waxaa isku badel ku sameeyay Golaha Wasiirada SNm Muuse Biix Cabdi Oo Hada ay Soo Wajahday culays Xoogan oo Siyaasadeed kaso Ka haysta Dhanka gudaha SNM iyo Dhanka Dibada oo dawlada fadaraalka Soomaaliya u Dhigtay taako Culus,

 

Wasiirka arrimaha Dibada SNm waxaa Hore ugu Magacowna sacad cali Shire oo ka soo jeeda Beesha Isaaq.

 

Hadaba Maxaa Keenay In maanta Muuse Biixi Xilkaasi u magacaabo Nin Ka soo jeeda Beesha Daarood gaar ahaan harti Dhubahante,

 

Sababta Ugu weyn ayaa ah Sida aanu xogta Ku helayno Waxaa Dhawaan Furmaaya wadahadalkii dawlada fadaraalka soomaaliya iyo maamulka SNm Waxaana lagama maarman Noqotay in maamulka Isaaq badelo Xeeladii hore oo Xubnaha Fadaraalka la hor dhigo Xubno Ka soo jeeda Beesha daarood.

 

Arrikan ayaa imaanaya xili Maamulka snm ka cabsi qabo in dawlada fadaraalku ay Horkeento Xubno ka soo jeeda Gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Si Kastaba Ha ahaate Khuburada Siyaasada Ayaa qaba In uusan waxba Faratoon Ka Badelayn Siyaasada cakiran Ee maamuka SNM.