Kulan aan nuxurkiisa la oggeyn, ayaa Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ku dhex-maray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynihii hore ee SNM Daahir Riyaale Kaahin.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Kulankan dhex-maray Gudoomiye Cirro iyo  Daahir Riyaale Kaahin oo saacado qaatay, ayaa ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan Saxaafada loo ogolayn, ayaa la sheegay in lagaga wada-hadlay arrimo kala duwan, oo ay Kamid tahay xaalada Siyaasadeed ee waqtigan ay  ku sugan tahay Jabhada SNM.

 

Waxana labada hoggaamiye isla qaada-dhigeen marxalada dalku ku jiro iyo sida looga bixi Karo Jaho wareerka Siyaasadeed ee Jabhada SNM  gashay, waxana xaaladaha sida gaarka ah kulankan loogu dul istaagay Kamid ahaa khilaafka u dhexeeya Muuse Biixi  iyo asxaabta Mucaaridka ah iyo Kala qaybsanaantii laga dhaxlay doorashadii Madaxtooyadda ee SNM  ka dhacday 2017-kii November 13-keedii.