Caaqil Cumar Maxamed Xasan (Dacar) oo kamid ah waxgaradka gobolka Sool oo waraysi siiyey warbaahinta Khaatumo News ayaa ka hadlay colaadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool taas oo u dhaxaysay beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi iyo sidoo kale shir weyne lagu heshiisiinayo labadaasi beelood, waxaana uu Caaqilku sheegay in ay haatan marayaan meel wanaagsan dadaalada nabadeed ee lagu dhex galayo labada beelood.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA
Caaqil Dacar ayaa dhanka kale sheegay in gogashii nabadeed ee labada beelood loo raray magaalada JigJiga isla markaasna uu masuuliyadeeda uu la wareegay madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar, waxaana dhawaan ka bixi doona gobolka Sool xubno matali doona beelihii dirirtu dhex martay.