600 War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:-Sadex Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:-Sadex Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Waxaa galabta sadex qarax oo aad u xoogan ka dhaceen agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyadan lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo Hotel kale oo ku dhagan.

Qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale Ilaalada hoteelada lagu weeraray qaraxyada ismiidaaminta ah.

Sawirro laga soo qaaday halka ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa muujinaya khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxyada, waxaana waxyeelo xoogan soo gaartay dad shacab ah la socday gaadiidka dadweynaha oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa afaafka hore ee Hotelka Saxafi ku yaalay boosteejo gaadiidka dadweynaha laga raro , waxaa sidoo kale laamiga hor mara Hotelka xiliga galbaha uu yahay mid mashquul badan oo gaadiid badan maraan.

Qaraxyada ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay xarumo ganacsi iyo gaadiid kala duwan, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadan galabta ruxay Muqdisho.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...