600 Cadeymo sii adkeyn kara dambiyada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar oo la helay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Cadeymo sii adkeyn kara dambiyada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar oo la helay

Wararka ka imaanaya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad tiro badan oo la rumeysan yahay in la aasay xiligii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar.

Xabaal wadareedkaan ayaa waxaa ku aasnaa inka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo la rumeysan yahay in la dilay xiligii dagaalka uu u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, waana arin sii cusleyn karta Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud, ayaa kasoo muuqanaya maanta maxkamad ka duwan middii lasoo taagay Afar jeer, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska.

Lama aqoonsan ilaa iyo hadda jinsiyaddaha meydadka laga helay deegaanada kala qeybiya Soomaalida iyo Oromada oo marar badan lagu dagaalamay, waxaana arintan ay kusoo aaday iyadoo la raadinayo cadeymaha kiisaska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida.

Maanta ayaana la filayaa in marqaatiyaal la geeyo maxkamadda lasoo taagayo si loogu marqaati furo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...