War Deg Deg Ah:Tukaraq Oo Xabadu Aysan Afka Ka Bixin iyo Maleeshiyadka SNM Oo Gabaad Ka Dhigtay Gudaha Magaalada.

Laascaanood{Khaatumonews}Wararkii ugu dambeeyey ee saaka warbaahintaKHaatumonews.com  ay ka helayso Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamada ku gadaaman aya shegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaankaasi.

 

Ciidamada Puntland iyo SNM  oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa hareeraha  Tukaraq, waxaana gudaha Tukaraq lagu arkaayay maleeshiyaadka snm Difaac Ka Xidhanaaya.

 

Mid kamid ah saraakiisha hormuudka u ah ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Tukaraq ayaa noo sheegay inay heegan culus ku jiraan isla markaana ciidanku ay diyaar u yihiin sidii ay u xorayn lahaayeen dhulka maqan.

 

Si Kastaba ha ahaate Xiisadan ayaa imanasa xili Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi oo xilka la wareegey  gaareyna jiidaha hore ee dagaalka gobolka Sool, wuxuuna ku dhawaaqay dagaal lagu xoraynayo deegaamada  ku jira gacanta Maleeshiyaadka isaaq.

Khaatumonews.com