Seefta dawladu ku Haminayso inay mariso Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya intooda Badan ayaa haatan usoo leexatay Dhanka labada maamul ee ugu tunka weyn dhana Siyaasada puntland iyo jubaland,
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Raysal wasaare xasan cali khayre oo ah fuliyaha Villa soomaaliya u xil saartay In uu kuraasta Ka Daadiyo Madaxweynayaasha Xaaf.C/wali gaas Axmed Madoobe ayaa hada La dul taagan Seefta Labada maaamul ee Puntland iyo Jubaland.
Xasan cali khayre oo La diyaarsan seeftii uu Ku Dilay cosoble Shariif xasan awaare, ayaa hada waxaa Seefta yidhi hoos u dhig madaxweyne farmaajo walaac ka qabo in uu faro galiyo siyaasada Puntland.
Farmaajo waxaa uu la wadaagay Raysal wasaare khaayre Talo Miisan leh sida u noo xaqiijiyay sarkaal ku sugan Villa soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu u sheegay Khayre, in siyaasada puntland oo la faro galiyo halis ku keeni karto xukumada Soomaaliya ee ay hogaamiyan ama lagu guulaysan karo, Isagoo Sheegay Madaxweyne farmaajo in puntland ay salka ku hayso xidido waaweyn oo qabiilaysan taaso ah Mid Majeerteeniya la dhaho oo halis badan.
Farmaajo ayaa qaba in fara galintii badheedhka aheyd ee lagu sameeyay Koonfur galbeed Mid lamid ah aysan Ka suuro gali karin puntland isago Sabab uga dhigay in ay adag tahay in la helo shaqsi laaalush dhaafsada puntland loona baahan yahay in la keeno siyaasad ka duwan Tii looga qaday xilka Cosoble shariif xasan,
Madaxweyne Farmaajo waxaa ka muuqda Baqdin uu aad uga qabo in Xukumadiisa Dab ka raaco Faro galinta Siyaasada majeerten oo soomaalidu Doc Daloolo hore uga weyday Balse Xidiga Khayre ayaa qaba fikir kaas ka duwan oo ah in Lagu fuliyo Gaas Qisaastii Siyasadeed ee Saaxibadii lagu fuliyay.
Si Kastaba ha ahaate walaaca madaxweyne Farmaajo ka qabo Siyaasada Majeerten waxaa ay Timid Kadib markii uu dhawr mar ku eegay faro galin Dadban balse Waxba ka socon waayen,
Khaatumonews.com