Shabakada {Khaatumonews}Waxaa ay Halkan Idiin ku Soo Bandhigaysa Qodobo Culus Oo Horyaal Xukumada Ay Hogaamiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qodobadan oo ka kooban Shan waxaa ay Xukumada Nabad iyo Nolol Dhaxal Siin Doonan Guul ama Guul Daro.

1. Ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo la yagleelo, laba sanno ka dib ciidan lama hayo, labada u hadhay haday Ciidan qaran oo Afrikaanka kala wareega dalka ku dhisaan waa guul, haddii loogu yimaado Iyagoo sidaas ah waa fashilan yihiin.

2. Magaalada Muqdisho oo safiiradu gawaadhidooda ku dhex wataan, bulshooyinka kalena booqasho ku imaan karaan kana shaqaysan karaan, laba sanno ka dib wali magaaladu waa kala xidhan tahay, haddii loogu yimaado magaaladoo kala xidhan waa fashilan yihiin.

3. Dalka inta Federaalka ogol oo sida Villa Soomaaliya ay xukuumaddu uga taliso, oo Rasal wasaaraha ama madaxweynaha aan Musik iyo salaan sharafeed lagu soo dhaweyn ee isagoo aan marti ahayn ka dego, haddii marka ay madaxdu booqato maamul goboleedada Musik lagu soo dhaweeyo iyo roog cas oo ay u muuqdaan marti waa fashilmeen.

4. Shaqaalaha dawladda oo ay intii xukuumadihii hore gaadhsiiyeen gaadhsiiyaan oo ay ku daraan shaqaale rasmiya, oo ay xukuumaddu shaqaalaha ku meel gaadhka ah ka gudubto, haddii shaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ay halka ay joogto loogu yimaado laba sanno ka dib waa fashilan yihiin Nabad Iyo Nolol.

5. Doorasho hal cod iyo qof haddii ay dalka u diyaariyaan waa guul, haddiise labada sanno ee hadhay ka dib la yimaadaan qorshe la mida kii hore ee doorashada dadban oo ay tiradii laba jibaaraan oo ka dhigaan 101 in qof walba soo doorto waa fashilan yihiin nabad Iyo nolol.

Shantaas qodob oo xukuumadihii hore loodin kari waayeen haday nabad iyo nolol wax ka qabato waa guul mudan in lagu bogaadiyo.

Waxaase indhaw garadka siyaasadda u arki karaan Shariif Xasan cararkiisu in ay guul u tahay xukuumadda nabad iyo nolol Shariif Xasan, Gaas, Xaaf, Axmed Madoobe , Waare iyo hannaanka Federaalka ayaa guuli ugu sugan tahay bulshada Soomaaliyeed haday dhammaantood goobta ka wada baxaan oo qaabkan hadda dalku u socdo waa mid laysku Cayn iyo beyd gooyey, 18kii sano ee dastoorka aan dhammaan marba xukuumaddii timaadaa faragalinaysay maaha kan Soomaali kala hagi doona, xilligii Carta waxaa dadka lagu qancin jiray“Xaq maaha qorshahani ee waa xal“ Xaqiina wuu dadbay xalna Ma keenin.

Waxaa hubaala kuwa badela Shariif Xasan, Cabdiwali Gaad, Axmed Madoobe , Xaaf, Waare in ay kuwan la mid noqonayaan oo aanay cidina damaanad qaadi doonin in ay xukuumada Federaalka la shaqayn doonaan, maadaama nin waliba qoys iyo beel ma talo, markasta oo danaha maamul goboleedka iyo beeshoodu goobta ka maqnaato waxay wada noqonayaan Gaas, Xaaf,iyo Axmed Madoobe.

Hannaanka federaalku waa
ما بني على باطل فهو باطل

By Asad Adaani Ibrahim