600 War Deg Deg Ah:Shariif Xasan Oo Iska Casilay Xilka Madaxweyne Ee Koonfur Galbeed Kana Tanaasulay Musharaxnimada. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Shariif Xasan Oo Iska Casilay Xilka Madaxweyne Ee Koonfur Galbeed Kana Tanaasulay Musharaxnimada.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta iyo masuuliyiin kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo xil heynteeda maalmo uga harsaneyd, waxa uuna si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa damacsanaa in uu waqti dheeraad ah ku darsado xilkiisa uuna abuuro xiisado siyaasadeed, hasa ahaatee damaca Shariif Xasan ayaa fashilmay kadib markii cadaadis saartay Beesha Caalamka

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Beesha Caalamka uga digtay Shariif Xasan in uu sameeyo waqti kororsi, waxa ayna Beesha Caalamka kula taliyeen Shariifka in uu doorashada tartamo ama isaga haro tartanka.

Shariif Xasan ayaa tanaasulka uu sameeyay loo sababeeyay in ay ka dhalatay cadaadiska beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero balaaran siineysa qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...