600 War Deg De Ah:Xildhibaano U Afduubna Dawlada Soomaaliya Oo Maanta Ka Degay Baydhabo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg De Ah:Xildhibaano U Afduubna Dawlada Soomaaliya Oo Maanta Ka Degay Baydhabo.

Baydhabo{Khaatumonews}Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Xildhibaanadan ayaa intii ee Muqdisho joogeen waxaa la dejiyay Hoteelo gaar ah, waxa ayna Xildhibaanadan kulamo kala duwan la qaateen Madax katirsan dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku laabtay magaalada Baydhabo u badnaayeen kuwa kasoo horjeeda Siyaasad ahaan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadan ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in la siiyay lacago lagu kasbanayay codkooda, waxaana Xildhibaanadan farta loogu fiiqay in ay doortaan shaqsi ay si gaar ah u rabto Dowlada Federaalka.

Magaalada Baydhabo waxaa xiligan ka jira xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada la filayo in ay ka dhacdo, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday in ay dhacdo 17-ka bishan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...