Warar hoose oo ay heleyso Khaatumonews ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay lacago siisay Malaaqyada ugu waa weyn deegaanada Koofur Galbeed ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qorshahan ayaa ah mid Dowlada dhexe ay ku dooneyso inuusan baaqan xiliga Doorashada loogu tala galay oo ah 17-ka Bishan.

Malaaqyadan ayaa lagu wargaliyay inay cadaadis ku saaran Xildhibaanadooda in hormuud ka noqdaan sidii doorashada ku dhici laheyd, iyagoo taageeraya Musharaxiinta ay Dowlada Federaalka wadato.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed oo shalay ka hadlay Magaalada Baydhabo ayaa codsaday in dib loo dhigo doorashada maadaama ay jiraan farogelin lagu hayo doorashada.

Villa Somalia ayaa iyana abaabushay Odayaal kale oo isla shalay Galinkii dambe sheegay inaan dib loo dhigi karin doorashada waqtigeedana ay qabsoonto, waxayna ugu baaqeen guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed in uu bedelo xubnaha is casilay oo uu soo magacaabo xubno kale.

Xaalada kacsanaanta ee ka jirta Magaalada Baydhabo ayaan la ogeyn waxa ay ka bedeli doonto qorshahan ay Dowlada Dhexe ku shaqo galineyso Malaaqyada si aysan Doorashada u baaqan.