Deg Deg Daawo Video:C/wali Gaas Soodhaweeyay Wefti Balaadhan Caalamka Ka Socda.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Arbacada maanta ah ee ku beegan 07 Nov 2018 kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland.

Halkan Ka Daawo Video

Saraakiishan oo ay hogaaminaysey Francesea Caonero oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxa ay kala ahaayeen diblamaasiyiin ka socda dalalka Netherland, Italy, Sweden, Holland, Canada iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka socda hay’adda UNODC.

Kulankan oo ka qabsoomay qarniga Madaxtooyada  Puntland ee Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiyada dhexe ee dawladda, siidaynta maxaabiista burcad badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka dibeddiisa iyo arrimo kale oo muhiim ah.