Deg Deg:Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Taageersan Xukumada Farmaajo

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday mid kamid ah Golihiisa Wasiirada oo mucaaradad u muujiyay.

Wareegto uu soo saaray Shariif Xasan ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlihii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Abba Awow Suufi Caffan, waxaana Wasiirkan lagu eedeeyay anshax xumo iyo aflagaadada ka baxsan baratakool golaha Wasiirada.

Wasiirkan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale ah Xildhibaan katirdan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna Xildhibaankan si weyn u dhaliilay Siyaasada Shariif Xasan oo mar kale damacsan in uu Hogaamiyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan oo hada xaalka ku xun yahay ayaa bilaabay farsamooyin uu uga hortagayo ololaha la doonayo in meesha looga saaro, waxa uu sidoo kale damacsan yahay in uu xilka ka qaado xubnaha mucaaradka ee maamulkiisa ku jira .