Deg Deg Dhagayso:Jabhada Xoreenta Khaatumo Oo ka Hadashay Dagaalkii Ay Ku Qaaden Maleeshiyaadka SNM.

Garoowe{Khaatumonews}Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ah mid aad u cakiran waxaana laga cabsi qabaa inuu deegaankaasi mar kale ka qarxo dagaal kharaar oo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Halkan Ka Dhagayso

Saqdii dhexe ee caawa ayaa wararku sheegayaan in deegaanka lageeyey gaadiid dagaal iyo hub cusub oo lagu biiriyey ciidamada kumanaanka kor u dhaafaya ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Tuulada Tukaraq oo dagaal u joog noqotay tan iyo qabsashadii Somaliland.

 

Dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq waxaa guulo ka sheegtay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Puntland gaar ahaan jabhadda xoraynta gobolka Sool oo la safan ciidamada difaaca Puntland.