600 Deg Deg:War Xaasaasi Ah Oo Ka Soo Kordhay Gaadiidkii Hubka Waday ee Lagu Qabtay Cadaado. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:War Xaasaasi Ah Oo Ka Soo Kordhay Gaadiidkii Hubka Waday ee Lagu Qabtay Cadaado.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa faahfaahin ka bixiyay gaadiidkii dhawaan lagu qabtay magaalada Cadaado oo gaarayay ilaa lix gaadiidka xamuulka qaada.

Wasiirka madaxtooyada ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado Cumar Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in wali gaadiidkaasi ay ku xaniban yihiin magaalada oo baaritaano ay ku socdaan.

Wasiirka ayaa sheegay in laamaha amaanka aysan wali dhameyn baaritaanka ay ku sameynayaan gaadiidka gaaraya ilaa lix Candho-meed oo looga shakiyay inay hub u wadeen magaalada Dhuusomareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka ay wadeen gawaarida aan xabadda karin oo loo waday magaalada Dhuusomareeb halkaasi oo wafuud ka socoto Qaramada Midoobay la filayay inay gaaraan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la wareystay qaar ka mid ah darawadda waday gawaarida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Jabuuti, islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqdisho.

Laakiin wasiirka ayaa sheegay in arintaasi aysan macquul aheyn maadaama Cadaado iyo Muqdisho inta u dhaxeysa lawada ogsoon yahay meelaha qaar ee lasoo marayo inay Al Shabaab ku sugan yihiin.

Darawalada ayaa siyaabooyin kala duwan u hadlay waxay qaarkood sheegeen inay ka yimaadeen Berbera, Boosaaso iyo Jabuuti, laakiin iyo hadda si cad looma sheegin waxa gaadiidka saaran, taasina shakiga ayay sii kordhineysaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...