Deg Deg Dhagayso:-Guddigii Doorashada Koonfur Galbeed Oo Iscasilay iyo Shariif Xasan Oo Siyaasad Cusub Soo Dhigay.
Baydhabo{Khaatumonews}Guddoomniyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow iscasilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Dhagayso
Carfo Ibraahim Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka Kale Guddoomiye ku-xigeenkii guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Mahad Mohamed Ciise ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay.
Talaabadan oo nah mid ku cusub siyaasada dalka ayaa timid markii wax yar ka hor uu sidoo kale is casilay Guddoomiyihii guddiga doorashada.
Warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu sidoo kale iscasilay Xildhibaan Xasan Black oo ka mid ahaa Xubnaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka tirsanaa guddigaas.
Xubnahan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in sababaha ay isku casileen ay tahay faragelin ay kala kulmeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka Koonfur galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood ayaa iscasilay ugu yaraan 15 ka mid ah oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisii