600 Deg Deg Daawo Video:Labo Wiil U Dhalay Saxafigii La Dilay Ee Jamal Oo La Hadlay Warbaahinta, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Labo Wiil U Dhalay Saxafigii La Dilay Ee Jamal Oo La Hadlay Warbaahinta,

Qaar kamid ah caruurta uu dhalay suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa codsaday in lagu soo wareejiyo meydka aabahood si ay u aastaan, suxufigaasi lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul ayaa xiliga dilkiisa dhacay kasoo wareegtay muddo bil ah iyadoo aan weli la hayn meydkiisa.

Halkan Ka Daawo Video

Labada wiil ee uu dhalay Marxuum Khashoggi oo lagu Salax iyo Cabdullahi ayaa wareysi ay siiyeen telefishinka CNN ku sheegay in ay weli rajo ka qabaan in dowlada Sacuudiga ay kusoo wareejiso meydka aabahood, iyagoo sheegay inay doonayaan inay ku aasaan qabuuraha magaaladii uu ku dhashay ee Madina.

 

Salax Khashoggi oo dhawaan loo ogolaaday inuu kasoo dhoofo magaalada Riyadh ayaa sheegay inuu weli rajo ka qabo in Boqorka Dalkaasi ee Salmaan uu sameyn doono waxa ay fareyso shareecada islaamka iyo in uu maxkamad soo taagi doono dadkii ku lug lahaa dilkaasi.

 

Waxay wiilashan sidoo kale beeniyeen dacaayada ay wadaan taageerayaasha Xukuumada Sacuudiga oo ku sheegay Jamal Khashoggi inuu ahaa xubin ka tirsan dhaq dhaqaaqa Ikhwaan Muslimiinka, iyagoo sheegay inuu ahaa nin suxufi ah oo dhex dhexaad ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...