War Deg Deg Daawo Sawiro:Madaxweyne Xaaf iyo Sheikh Axmed Shaakir Gaalkacayo Ka Soo Dagay Hada iyo Qorshaha Socdaalkooda?

Galabta waxaa diyaarad ay geystay magaalada Gaalkacyo Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf kuwaas oo la sugayey saacadihii lasoo dhaafay.

Waxa Wafdigaan soo dhaweyn qurux badan usameeyey Bulshada Magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda ku dhaqan kuwaas oo caleemo qoyan uruxayey.

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Xubno kale ayaa wafdigaan qeyb ka ahaa Oo diyaarada dhuuso mareeb ka raacay geysana Gaalkacyo.

Warar la helay ayaa sheegaya in Wafdigaan ay ka cowdeen Safar dhulka ah oo ay qorsheenayeen inay Ku tegaan Gaalkacyo balse Amniga awgeed ay udoorteen inay Diyaarad raacaan.

Shir ayey kaga qeyb geli doonaan Gaalkacyo Madaxdaan oo Galmudug udhaxeeya,iyadoo Danjire Haysom ay sidoo kale halkaas kula kulmi doonaan sida la qorsheeyey.