War Deg Deg Ah:Xiisad ka Taagan Tukaraq yo Saraakiil Hogaaminasa Ciidaamo oo gaadhay,

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Galbeedka tuulada ay dhaqdhaqaaq iyo diyaar garaw kawadaan ciidamada maamulka Soomaaliland.

Ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa galbeedka Tuulada Tukaraq waxaana qaarkood u soo gudbeen dhufaysyada ciidamada maamulkaasi ay ku leeyihiin duleedka Bari.

Goob joogayaal ku sugan aaggaasi ayaa u sheegay warbaahinta gudaha qaarkeed in xaaladdu ay degan tahay haseyeeshee dhaqdhaqaaqa ciidamada maamulka Muuse Biixi laga dheehan karo saansaan horleh, maadaama todobaaddadii ugu dambeeyey xaaladdu aad u deganayd.

Saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq iyagoo hogaaminaya cutubyo katirsan ciidamada difaaca Puntland.