600 War Deg Deg Ah:–Afgambi Ka Socda Sacuudiga | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:–Afgambi Ka Socda Sacuudiga

Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan.

“Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada.

Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa la dilay labadii October, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, waxaana cadcad loo jarjaray hilibkiisa, kadibna lagu baabi’iyey aashito, sida Turkiga ay sheegeen.

Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay.

Sacuudi Carabiya ayaa qiratay dilka Jamaal Khaashuqji, balse waxay sheegtay inay fuliyeen xubno fallaago ah, islamarkaasna aan wax amar ah ka haysan boqortooyada. Si kastaba, dunida oo idil ayaa aaminsan in amarka dilka uu toos uga yimid xubnaha sare ee boqortooyada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...