600 Madaxweynaha Uganda oo u Gafay Qaranimada iyo Shacabka Soomaaliyeed | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Madaxweynaha Uganda oo u Gafay Qaranimada iyo Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni, oo talo siinayay hoggaanka dalka Koofurta Suudana ayaa hadal gef ah ka sheegay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Mr Museveni oo ka hadlayay Magaalada Jubba ee Xarunta Koofurta Suudaan ayaa sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya.

Yoweri Museveni, ayaa hadalkan ku qoray boggiisa Twitter-ka waxaana fal celin aad u qallsafsan uu kala kulmay inta badan dadkii aragtida ka dhiibtay hadalkiisa.

Waxaa uu farriintiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ugu mahad naqayo Madaxda Koofurta Suudaan go’aanka ay qaateen iyo sida ay u diideen danaha shisheeyaha sida uu yiri.

Inta badan dadkii wax ka sheegayay Museveni ayaa isaga talo ahaan ku siinayay in uu marka hore xafiiska u banneeyo dhallinyarada Uganda,waxaana kuwa Soomaalida ah weydiinayeen inta Madaxweyne ee uu la kulmay inta uu xafiiska fadhiyo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...