Deg Deg Daawo Video:Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadliyay Caano-nuug Xaalada Dhumay Iyo Wadahadalkii Saqiiray.

Madaxweynihii Hore Khaatumo Cali khaliif Galaydh oo Wadahadal Saqiiray Mudo kula jiray maamulka SNM ayaa Markan Ka hadliyay Cabdilaahi Caano nuug.

Halkan Ka Daawo Video

Maxamuud Cabdilaahi caanonuug oo Cali Khaliif Ugu Magacaaban Ku xigeenkiisa ayaa Ka hadlay Laba Qodob Oo Kala ah Wadahadalkii fashilmay iyo xaalada Dhumay ee Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame.

 

Caano-nuug Ayaa Sheegay in Muuse Biixi Socod Siin waayay Wadahadalkii Ay kula jiren islamarkaana hada xaaladu u dhowdahay inay Maran wado kale isagoona ugu Hanjabay inay Samaynayan Ficil aan Rali galin Muuse Biixi iyo maamulkiisa.

 

Dhanka kale Caano-nuug ayaa Maamulka Muuse Biixi Ku eedeeyay Colaada Dhumay in uu yahay cida Shidaysa.

 

Si kastaba ha ahaate hadalkan ka soo yeedhay Kooxda Cali khaliif Galaydh ayaa imaanaya Xili mudo 2 sano ah laga joogo Fulin La aanta wadahadal Been abuur ah oo lagu Xero galiyay Cali khaliif galaydh

Khaatumonews.com