Deg Deg:–C/wali Gaas Oo Hada Isugu Yeedhay Warbaahinta

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in warbaahinta looga yeeray aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

 

Aqalka madaxtooyada ayaa waxaa shir saxaafadeed ku qaban doona madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

 

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Haysom iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Garoowe kulamo kula qaadan doona madaxda ugu saraysa Puntland.

 

Waftiga danjire Nicholas Haysom iyo madaxda ugu saraysa  Puntland ayaa waxa ay kawada hadli doonaan khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowaldaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.