600 Deg Deg:–Wufuud U Hor Bodaayo Islam Ciise Oo Gaadhay Koonfurta Sool | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:–Wufuud U Hor Bodaayo Islam Ciise Oo Gaadhay Koonfurta Sool

Wax garad garaaya illaa 30 oo iskugu jira cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin uuna hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamida isimada ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa u ambabaxay degaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labba beellood oo walaalo ah.

 

Waftigan ballaaran ee uu hogaaminaayo Islaan Ciise ayey wararka soo gaaraaya Khaatumonews.com sheegayaan inay halkaas u aadeen sidii ay u dhex geli lahaayeen beellahan walaalaha ee isku hor fadhiya degaamadii ay dhawaan dagaallada dadka badan ku dhunteen ka dhaceen.

 

Ergadan ka ambabaxday Gobalka Nugaal ayaa lagu wadaa inay kulamo deg-dega la yeeshaan beelLaha isku horfadhiya degamadaas si loo baajiyo in mar kale uu dhiig daato, waxaana la rajaynaayaa inay xal wanaagsan ka garaan collaadan soo noq-noqtay inta ay ku sugan yihiin Gobalka Sool.

 

Dhawaan ayey ahayd markii ay dagaalo kharaar oo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof ay labadaas beellood ku dhex mareen degaanka Dhumay ee gobalka Sool waana markii ugu horaysay oo wafti noocaana uu gaaro degaanka ay collaadu ka dhacday tan iyo markii ay dagaaladani dhaceen si loo baajiyo in mar kale dhiig daato.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021