Deg Deg Daawo Video:–Laba Ka tirsan Wasiirada Puntland oo Feedh Isla Dhacay iyo Mid Ka Hadlay ,

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar kala duwan oo sheegaya in wasiirka dastuurka iyo arrimaha federalka Puntland dhaawac loogu qaaday magaalada Muqdisho kadib gacan ka hadal dhex maray isag iyo ku-xigeenkiisa.

Halkan Ka Daawo Video

Wararku waxay sheegayeen in wasiirka uu dhaawac soo gaarey isla markaana dhaawac loogu qaaday magaalada Muqdisho, walow uusan jirin wax dhaawac ah oo ka muuqda wasiirka oo gaari billaa ciidan ah ku dhex mushaaxayey magaalada Garoowe.

 

Haddaba wasiirka oo warbaahinta gudaha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa beeniyey inuu dhaawac soo gaarey loona qaaday magaalada Muqdisho haseyeeshee wuxuu qiray inuu jiro gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo wasiir ku-xigeenka.