Deg Deg Daawo Sawiro:Garoowe Diyaarad Sida Gaadiidka Aan Xabadu Karin oo ka Degtay,

Garoonka diyaaradaha general Maxamed Abshir Hamaan ee Garoowe waxaa saaka laga qaaday sawirrada diyaarad nooca xamuulka ah oo ku soo xiratay taasi oo la sheegay inay sidey gaadiidka aan xabaddu karin.

Diyaaraddaan ayaa waxaa la sheegay inuu saarnaa gaadiidka aan xabaddu karin oo laga soo dejiyey magaalada Garoowe xilli ay ku soo qulqulayaan musharixiin kala duwan oo qaarkood xiriir la leeyahay xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.

Horey waxaa Baydhabo usoo gaarey Musharax Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ahaa Wasiirka Tamarta dowladda Faderalka Soomaaliya kaas oo la aaminsan yahay in ay taageersan tahay Xukumadda Nabad iyo Nolal.

Magaalada Garoowe waxaa imanaya musharax madaxweyne Eng Jebiye oo siyaasiyiinta qaar horay u sheegeen inuu xiriir wanaagsan la leeyahay