War Deg Deg Ah:Madaxweyne Farmaajo Oo Dalka Ka Dhoofay Hada iyo Halkuu Ku Wajahan yahay.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka koonfurta Suudaan.

 

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la sheegay iney magaalada Jubba ee caasimadda Koonfur Suudaan kaga qeyb galaya munasabad lagu dhameystirayo heshiisiinta dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaalo ka socdeen.

 

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD iyo madax kale kuwaasoo si dhow ula socday xaalada ka taagnayd dalkaasi.

 

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana dalkaasi ku nool kumanaan Soomaali ah oo ganacsiyo waaweyn iyo shaqooyin kaleba dalkaasi ka qabta

Khaatumonews.com

 26 total views,  2 views today