Xog gaara oo ay heshay Khaatumonews.com  ayaa lagu sheegay in Dowlada Turkiga ay Safiirkeeda Soomaaliya ku wargelisay inuu yareeyo dhaq dhaqaaqiisa ku lug lahaanshaha arrimaha Soomaaaliya, iyadoo ka fiirsaneysa howlaha ay Soomaaliya ku qabaneyso.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Dowlada Turkiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya aan ku casuumin Dabaal dega sanad guuradii 95 aad ee dhalashada Jamhuuriyadda Turkiga inkastoo Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal dagayo.

 

Turkiga waxay ka caroodeen Go’aanka Soomaaliya ay ku taageertay talaabadii foosha xumeyd ee Sacuudiga ku dishay Wariye Jamaal, inkastoo xiisada ka dhalatay arrintaasi aysan ku kala fogaan kaliya Soomaaliya iyo Turkiga balse Dalal dhowr ah iskugu dhaceen.

 

Sidoo kale waxaa shaki abuuray sababtii Xukuumadda Ankara ay uga soo qeyb gali weysay Shirkii Ururka Iskaashida wadamada Islaamka oo Muqdisho lagu qabtay waxaana Dowlada Soomaaliya ay sheegtay in Wasiirka arrimaha dibada Turkiga uu shir guddoominayay Kulan looga hadlayay arrimaha Siiriya oo dalkiisa marti galinayay.

 

Hadii hadalka Dowlada Soomaaliya uu sax yahay Dalal badan oo waxaa kasoo qeyb galay Shirka Wasiiradooda arrimaha dibada howlo kale ay ku mashquulsanaayeen waxaana Shirka ay usoo direen Wasiirdu Dowlayaasha Arrimaha dibada dalalkaasi, Maxaa Turkiga u diiday in Masuul Wakiil ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibada ay soo dirto?

 

Danjiraha wakhtiga xilheyntiisa sii dhamaaneyso Turkiga u jooga Soomaliya Olgen Bakar ayaa Magaalada Muqdisho ku qabsaday Munaasabad ay ugu dabaal dagayaan Sanad guurada Dowlada Turkiga waxaana macsalaameeyay shaqaalaha safaaradda, isagoo xusay in shakhsi ahaan ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka Ankara iyo Muqdisho.

 

Mas’uuliyiintii kale ee ka qeybgashay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenkii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaanno labada aqal ka tirsan, Wasiiro, Madaxweynaha Hirshabele, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Taliyeeyaal, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.