600 War Deg Deg Ah;Doon Ay Soomali Wadatay oo Lagu Garaacay Gantaalo, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah;Doon Ay Soomali Wadatay oo Lagu Garaacay Gantaalo,

Ciidanka la dagaallanka Burcad badeeda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay qarxiyeen Doon ay wateen koox Burcad badeed Soomaali ah oo isku dayaysay inay afduub geystaan.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Midowga Yurub ee jooga xeebaha Somalia ayey ku sheegeen in burcad badeedda oo watay dooni yar ay isku dayeen inay afduubaan markab watay Calanka Hong Kong.

Weerarkaas ayey sheegeen inuu fashilmay waxaana ciidamada Midowga Yurub oo ka jawaabayay isku daygaas ay gantaal ku dhufteen doontii ay wateen burcad badeedda Soomaalida oo gebi ahaanba burburtay.

Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Somalia ma sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay Doonta ay wateen Burcad Badeedda ee ay qarxiyeen.

Waxay intaas raaciyeen in sanad iyo barkii la soo dhaafay uusan dhicin hal weerar oo burcad badeedu ku guuleysatay, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan xeebaha Somalia iney burcad badeeda ka ilaaliyaan si maraakiibta ganacsiga ay u nabad galaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021