Doorashada ka dhici doonta Jubbaland waa mid kale oo Xiiso badan marka uu dhameysto xilligiisa Shaqada Madaxweyne Axmed Islaam (Madoobe).

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Dhagayso

Murashaxiinta loo sii diyaariyey inay tartamaan oo Dawlada la safan tahay waxaa ka mid ah Prof. C/weli Sheekh Axmed iyo C/llaahi Xersi Ciilmooge.

 

Labaduba waxay mucaarad ku yihiin Hanaanka Siyaasadeed Ee Madaxweyne Axmed Madoobe,hadana waxay dhaqaale ka helayaan Dawlada Federaalka si uusan Axmed Islaam usoo laaban.

 

Wasiirka Amniga Jubbaland oo ay is xigaan heyb Ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa saaxiib la ah Madaxweyne Axmed Madoobe,waana mid kale oo Siyaasadu isku soo dhaweysay.

 

C/rashiid Janan waxa uu ka digay inay Murashaxiinta fadqalalo Amni iyo Colaad abuuraan marka doorashada ay soo dhawaato isagoo ku hanjabay inay Hub culus Adeegsan doonaan.