War Deg Deg Ah:Sarkaalkii Ku Caan Baxay la shaqaynta Maamulka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Musharax Madaxweyne Ee Puntland,
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in taliyaha guud ee ciidamada Puntland uu ku dhawaaqayo war culus.
General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland ayaa ku dhawaaqaya inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019.
Munaasabad ka dhacaysa saaka maagaalada Garoowe ayaa Jananku kaga dhawaaqi doonaa inuu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada Puntland, xilli doorashada ay muddo laba bilood ah ka dhiman tahay.
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa la hadal hayey in General Siciid Dheere uu si rasmi ah isaga casili doono xilka taliyaha ciidanka Puntland isla markaana uu isu taagi doono madaxweynaha Puntland
Siciid Dheere Oo Hore Ugu fashilmay Hogaanka Ciidanka Puntland Islamarkaana Kala Diray Ciidankii darawiishta Puntland ayaa hada u Hanqal taagaya xil ka weyn.
Dhanka Kale Xog ay helayso Khaatumonews,com ayaa shegaya in Musharaxnimada Siciid Dheere ay dabada kariixayaan Cabdiraxmaan faroole iyo madaxweyne farmaajo.
Isku Soowada Duubo SiCiid Dheere Ayaa dadka Puntland waxaa ay ku xasuustan wadashaqayntii uu lalaha Maamulkii Somaliland Ee U Hogaamin jiray Siilaanyo iiyadoo Ilaa hadana uu yahay Saraalka kaliye dabada haya dagaalka Tukaraq.