War Deg Deg Ah:C/wali Gaas Oo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Magacaabay Kadib Markii Taliyihii Hore Musharax Rogay,
October 28, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 October 2018 magcaabay Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr.157 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen loo magacaabay Taliaya Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND