Deg Deg Daawo Video:-Sarkaal Uu Xilka C/wali Gaas Ka Qaaday Oo U jawaabay Gaas,
Garoowe{Khaatumo News)Qaar kamid ah Saraakiishii Puntland ee C.wali Gaas sheegay inuu Xilka ka Qaadya markii ay ka Horyimaadeen Shirkii Garoowe uga Qabsoomay maamulada ayaa Jawaab adag Arintaasi ka bixiyey.
Halkan Ka Daawo Video
Gaashaanle Sare Layli.. ayaa yidho “Anigu waxaan u dhaartay Dalka iyo Diinta, Derajadaydu waa mid Qaran, Xilka waxaa iga Qaadi kari Aniga Codsi aniga iga yimaada, Geeri igu timaada iyo Anigoo dambi Qaran galay oo Maxkamad la i saaro, Laakiin Jaariyad Guri ka shaqaysa oo la Caydhinayo ma ihi. “
Sarkaalkan Oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi’Madaxwayne C.laahi Yuusuf Saraakiil ayaa Mucaarid ku Noqday oo Ceel afwayn tagay oo la dagaalamay, Balse ma Aanu Ruqsaynin, C.raxmaan Faroole lama arag Saraakiil uu Ruqseeyay, Markaa Arintaasi C.wali Gaas Sharci Darro ay uu ku sameeyay, Wakhtiga kuu hadhay waad ogtahay ee Cimri Tegey Ceeb laguma Sagootiyo’