Kal-fadhigii u dambeeyay ee Baarlamanka Puntland ayaa kooram la’aan u furmi waayay,,sida uu xaqiijiyay guddoonka golaha wakiilada.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
In ta badan xubnaha Baarlamanka ayaa ku kala maqan degaannada laga soo doorto,si ay mar kale kursiga u helaan,taasi oo sababtay kooram la’aan,sida uu sheegay guddoonku.
Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Khaatumonews.com u sheegay in kooram la’aanta ay qeyb ka yihiin mudanayaal soo diyaariyay mooshin Dastuurka lagu furayo,balse markii guddoonku mooshinkaasi laalay iyguna diiday in soo xaadiran kal-fadhiga.
Kal-fadhigan ayaan noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee xil-hayntoodu dhammaatay,waxaana ajandihiisa ugu muhiimsanaa ansixinta miisaanadda saddexda bilood ee u horreeyay sannadka 2019.
Miisaaniyaddaas ayaa mudnaan gaar ah u leh Puntland,maadaama ay tahay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso saddexda bilood ee kala guurka ah(labada xukuumadood is-beddelayaan).