Xalka Colaada Qayaad iyo Bahrarsame Warbixin Daawo U Ah Akhriso Shan Qodob,

Shabkada caalamiga Khaatumonews,com waxaa ay tooshka Ku ifinasa Qaabka loo xalin Karo Colaada Beelaha Cabdi Garaad Qayaad iyo Maxamed Garaad  Bahrarsame Oo Hada Si Xoogan Uga Aloosan Deegaanka Koonfurta Sool.

 

Colaadan oo mudo Ka badan 17 sano Soconasay waxaa labada dhabna ku kala dhintay Boqolaal Qof Halka Dhaawacu ku Dhawyahay Kumanaan.

 

Hada Colaadan See Lagu xalin kara Waa su aasha ugu badan ee Aad la isku Weydinaayo waana Daawada Kaliye Lagu damin karo Dabkan.

Nagala Bogo Shantan Qodob

1 In Colaadan nabadeenteda Kaliya Ay ka taliyan Beelaha Daarood Kana Madaxbaneeyan Wax maamul Ah Noocu Doonaba Ha Ahaade.

2 In Colaadan Loo Qorsheeyo In Ka badan 200o Kun Oo  Askari Oo beelaha Daarood Ka kooban oo Lagu daadiyo Dhulka Ay wada dagan beelahani Inta Nabadentu Socoto iyo inta Ay Saldhiganaso Colaadan.

 

3 In Khasaaraha Labada dhan Soo kala Gaadhay Ee Leh  Dhaawac iyo Dhimasho ay Beelaha Daarood  Boqolkiiba 50 Bixiso Halka Badhka Kale Ay Bixiyan Beelaha Kale Dhulbahante Maadaba Labada Qole Isku Jaben Oo Qolana aanay Awood Ulahayn Xiligan Bixinta Magta iyo khasaaraha Halkaasi ka dhashay uuna dhaafay Heerkii Qataad iyo Bahrarsame.

 

4 In Hubka Caanka ah Ee la isla garanaayo ee labada Ardaa haystan Mudo Ku dhow Hal Sano gacanta Loo galiyo beelaha Daarood Nooc Hubka Dhigis Ah Madaba Hubkan yahay Ka ugu weyn ee Khasaara Ugu weyn keenaya.

 

5 In Maamulka Somaliland Maleeshiyaadka Uu Ka qortay Labada beelood Laga Saaro Hadii ay tahay Suuro gal ama Hubka Ay haystan ee Waaweyn Gacanta loo galiyo Beelaha Daarood Mudo 3 Sano ah inta Colaadan laga Bogsonaayo Dadkana La kala siinaayo Magaca Leh Dhimashada iyo Dhaawaca.

Shanta Qodob Kadib talo Guud Oo Dhulbahante 

Beesha Dhulbahante  waxaa U Banaan Hadii ilahay Hirgaliyo Talooyinkan In Ay isugu yimadan Kulan tashi ah oo Ay ka Tashadan Hubkan Beelkasta haysato Ee Bilaa Jaheeyaha ah Loona Sameeyo Cidii lagu Jahaynlaha.

Intaas Ayaanu Kusoo Xidhayna Qodobo Dhawr ah Oo  Noola eekaaday Xalka Beelaha Dhulbahnate

KHAATUMONEWS.COM